Shir madaxeedka Afrika oo ka socda dalka…

0
641

Madaxda 43 dal oo ka tirsan  midowga Afrika ayaa shir looga hadlayo la dagaalanka Burcad Badeeda haatan uga socodaa magaalada Lome ee caasimadda dalka Togo.

Shirkan ayaa waxaa ujeedkisu tahay sidii loo nabadgelin lahaa marakiibta Ganacsiga ee isaga goosha Badaha Afrika iyadoo mararka qaar halis kala kulma qafaalashada Burcad Badeedda.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Idriss Déby ayaa furitaankii shirka ka sheegay muhimadda ay leedahay dhowrista bay’adda Badaha nooc kasta ha ahaatee.

Wuxuuna cadeeyay in 54 Dawladood Afrika ka ka kooban tahay 38 ka mid ay Xeeb Badeed leeyihiin ayna ka helaan 90% Dakhli dibadda iyo gudahaba ah.