Akriso:-Xubnaha Aqalka Sare Oo Laga Digay In Lagu Soo Biiriyo Hogaamiye Kooxeed-yadii Hore…

0
621

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo warqad kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa ugu baaqay maamulada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland in ay ka reebaan xubno ka mid ahaa musharaxiintii Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen.

 Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu baaqay Maamulka Galmudug in xubnaha aqalka uu ka saaro Jeneraal. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ku guuleystay shalay kamid ahaanshaha  xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in heshiisyadii hore loo gaaray ay ahayd in hogaamiye kooxeedyadii hore u soo maray dalka laga reebo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka uu yeelanayo, Warqada loo direy maamulka Galmudug ayaa ku taariikheysnayd 14-ka Oktobar 2016, hase yeeshee maamulka Galmudug ayaa  shalay qabtay doorashada  Aqalka Sare  ee soomaliya iyadoo loo malaynayo inay ka cararayeen qoraalka uu soo direy Keating.