Shir Ka Dhacay Qaahira, Oo Soomaaliya Qeyb Ka Aheyd+Sawiro…

0
725

2

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Qaahira ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 150-aad xilligii la aas aasay Barlamaanka Dalka Masar.

Magaalada Qaahira oo uu haatan ka socdo Shirka Barlamaanada Afrika, waxaana munaasabadaasi awgeed loogu hambalyeeyay Madaxda Dalkaasi iyo Guddoonka iyo Xildhibaanada Barlamaanka Dalkaasi Masar, iyagoo xusay in Masar ay ka mid tahay Dalalkii ugu horeeyay ee Barlamaan sameysta.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in Masar ay sanadkaan marti galisay a Barlamaanada Afrika iyo Carabta ay muhiimadayda leedahay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar oo isna ka mid ahaa marti sharaftii ka qeybgalay Munaasabaddan ayaa ugu hambalyeyay Sanad guurada 150-aad aas-aaskii Barlmaanka Dalka Masar.

Wariayaha Warbaahinta Qaranka C/qaadir Johansburg ayaa sheegaya in Dalka Masar uu dhawaan ka furmayo Shirka Barlamaanada Afrika oo ay Xaruntiisa tahay Magaalada Johannseburg, iyadoo ay Sanadkan martiqaaday dalka Masar waxaana loogu hadli doonaa arrimo khuseeya Qaaradda Afrika.

Hoos Ka Eeg Sawirada:-

1

3 4 5 6 7 8