Magaalada Muqdisho waxaa Labdii maalin ee lasoo dhaafay ka baaqday in lagu qabto shirka madasha wadatashiga qaran oo looga hadli lahaa arrimo aad u muhiim ah.
Xog aan helnay ayaa sheegaysa in shirka uu u fumri la yahay dagaalka Gaalkacyo, kadib markii hoggaamiyeyaasha Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug mid walbo diidey in aysan dooneyn iney isla kulmaan.
Xogtu waxay tilmaameysaa in Gaas uu sheegay inuusan soo fariisan doonin meel uu Guuleed fadhiyo, taasi oo keentay in shirka caqabad ay ku noqoto.
Maalin walbo waxaa socda dedaallo lagu doonayo in madaxda ay shirka uga soo qeybgalaan si sharaf leh, , islamarkaana lagu falanqeeyo shirka wixii dhib ah ee jiro.
Waxaa la doonayaa in Labada hoggaamiye lagu heshiisiiyo shirka Muqdisho, sidoo kalena lagu soo afjaro colaadda ka jirta magaalada Gaalkacyo ee maalmaha badan socotay.