Muqdisho Oo La Sheegay In Lagu Iibiyo Hubka Dowladda Soomaaliya…

0
616

Dilomaasiyiin reer galbeed ah oo la hadlay wakaalada wararka Reuters   ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe ee soomaliya in hubka ay dibadda ka keensato badankiisa  lagu iibiyo suuqyo ku yaal magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomalia.

 Hubkan oo ay Qaramada Midoobay u fasaxday dowlada dhexe ee Sooomaliya inay ku qalabayso Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in inta u dhexeysa boqolkiiba 35% illaa 40%  hubka lagu iibiyo Suuqyada Caasimada Magaalada Muqdisho ay yihiin hubka loo fasaxay dowlada Soomaaliya inay keensan karto.

Labo diblumaasi oo reer galbeed ah oo diiday magacyadooda in  la xigto ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sawiro laga qaaday hubkan oo badankood ah qoryaha fudfudud lagu kala iibsado magaalada Muqdisho gaar ahaan baabuurta dushooda iyo guryo ku yaal Muqdisho.

Sidoo kale Wakaalada wararka Reuters ayaa  xigatay sarkaal ay sheegtay inuu u qaabilsan yahay arrimaha siyaasadda xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Aweys Xaji Yuusuf inuu qirey in mararka qaar ay dhacdo in hub la leexsado balse aysan ahayn mid joogto ah.

”Ma beeninayo in ay jirto in hub la leexsado balse ma aha mid si joogto ah u dhacda,”ayuu yiri Aweys Xaji Yusuf oo ah sarkaal la sheegay in Madaxtooyada soomaliya uu aqaabilsan yahay arrimaha siyaasada.

Arintaa ayaa la aaminsan yahay inay xadgudub ku tahay cunaqabatayn ay Qaramada Midoobay qeyb ahaan ka qafiifisay dowlada dhexe ee Soomaaliya  sanadkii 2013-kii.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaliya saartay cunaqabateynta hubka kadib markii ay meesha ka baxday dowladii  dhexe ee Malatariga aheyd ee uu Hogaaminaayay Ala Ha u Naxariistee Maxamed Siyaas Barre.