Saraakiil ka socda AMISOM oo gaaray Cadaado+Sawirro

0
847

Saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Galmudug.

Saraakiisha tagay Cadaado waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban Cumar Max’ed Dhegeey,Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Cali Baashi iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM Cismaan nuur Subagle.

Saraakiishan ayaa sida uu warku sheegayo waxaa ay u kuur galayaan amniga degaannada Galmudug iyo goobaha ay doorashada ka dhaceyso.

Wafdiga waxaa magaalada Cadaado kaga sii horreeyay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo sidoo kale ah madaxa amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in Ciidamo ka socda AMISOM la geynayo degaannada Galmudug si ay u xaqiijiyaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada Dadban ee Soomaaliya.

Maamulka Galmudug Mas’uuliyiin u hadlay ayaa horay u sheegay in aysan u baahneyn AMISOM islamarkaana ay ku filanyihiin xaqiijinta amniga doorashada.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Max’ed Xaashi Cabdi,ayaa isna horay u sheegay in Ciidan ka socda AMISOM la geynayo Cadaado,si ay uga qeyb qaataan doorashada ka dhaceysa degaannadaasi.

Saraakiisha ka socda AMISOM ee maanta gaaray Cadaado waxaa ay la kulmi doonaan madaxda maamulka Galmudug iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Max’ed Xasan Xaamud.

Wafddiga AMISOM,waxaa wehliya Saraakiil ka socda Dowladda Mareykanka waxaana ay kulan kula leeyihiin Cadaado Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

DAAWO SAWIRRADA:

01 02 03 04