Beesha Shabeelle oo ah beesha labaad ee ugu tunka weyn gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegtay in xaqoodii la duudsiiyay kadib markii ay waayeen saami qeynsigii ay ku lahaayeen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelah Dhexe.
odayaasha ka soo jeeda beesha Shabeelle, oo shir-jaraaid ku qabtay magaalada Jowhar oo ah halka ay fidsan tahay gogosha labadaasi gobal lagu mataaneynayo ayaa waxa ay muujiyeen sida ay u baal marsiiyeen qoondadooda Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Iyo Urur Gobaleydka Igad oo arintani galaan gal badan ku leh.
waxa ayna ku eedeeyeen in dhalin yaro in aan la ogeyn laga keenay ay u galiyeen shaatiga beelaha daga labadaasi gobal iyadoona aysan jirin cid si gaar u matasha beelaha Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Odayaasha Beesha Shabeelle:-
Hoos Ka Eeg Sawirada:-