Mareykanka Oo Taageero Siin Doona Dowladda Soomaaliya…

0
638

Madaxweynaha maraykanka President Barack Obama ayaa sheegay in uu sii wadi doono taageero malaayiin dollar ah oo uu siiyo wadanka koonfurta Suudaan iyo 6 wadan oo kale oo ay ku jirto Somaliya halkaas oo ay ka jirto dhibaato laxiriirta askaraynta Caruurta,

Hadalkaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka u dooda xuquuda caruurta waxaana ay sheegayaan in maamulka Obama uusan ahmiyad sare siinin sidii loo xadidilahaa askaraynta Caruurta wadamadaas.

Hadalkaan kasoo baxay maraykanka ayaa imaanaya iyadoo xeer lasoo saaray sanadkii 2008-dii kaasi oo ku saabsanaa ka horta askaraynta caruurta iyo sidoo kale in laxadido nuucyo ka mid ah taageerada dhinaca milatariga ah ee lasiinaayo wadamada Caruurta laga Askareeyo.

Wadamada ka faa’iideysanaaya taageeradaan ayaa waxaa la sheegay inay  ka mid yihiin Burma, Congo, Iraq, Nigeria, Rwanda iyo Somalia, wadamadaan ayaa la tilaamay in ay helidoonaan taageerooyin kala duwan inkastoo aan la cayimid qaybta ay Somalia ka heli doonto.

Wadamada taageerada ugu badan helaya ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid tahay Koofurta Suudaan halkaas oo dagaaladii sookeeye ee ka bilowdeen sanadkii 2013-kii ay ka Qaramada Midoobay shaacisay in16,000 oo caruur ah la Askareeyay