Dowladaha Deriska oo ciidan u Tababaraya Jubbaland

0
612

Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada Dalka ka jira ayaa wuxuu ka warbixiyay Tababar Ciidamo ka tirsan Maamulkaas uu uga socdo Gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid xasan Janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Tababarka u socda Ciidanka in hada uu marayo meel wanaagsan.

Wuxuu sheegay in Tababarka Ciidankan la siinayo ay gacan ka geysanayaan Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in laga faa’ideysto arrintan.

C/rashiid xasan Janan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay marka uu Tababarkan u soo idlaao Ciidanka in ay bilaabi doonaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, kaas oo ku aadan sidii Shabaab looga sari lahaa Deegaanada iyo Degmooyinka Jubbaland.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u sheegay in Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka bilaaban doono Howlgallo ka dhan ah Shabaab.