Daawo:-Oo Wax Ka Ogow Sababta Xilka Looga Qaaday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya

0
707

Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey Digreetadan.

Wasiirka waxbarashada ee xilka laga qaaday ayaa xalay waxa uu ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dowladdu qaaday Sanadkaan.

In kastoo dowladda Soomaaliya aysan weli cadeyn sababta xilka qadista Wasiirka ayaa hadana waxaa shalay jirtay in Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Warbaahinada dalka ku sheegay in uusan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka.