Dhagayso:-Maleeshiyaad Oramo Ah Oo Si Arxan Daro Ah Dad Soomaali ah Ugu Xasuuqay Kilinka 5-Naad

0
734

Maleeshiyaadka Oromada ee dagaalka kula jira Soomaalida ku Nool dowlad dulka  Soomaali Galbeed ee  Itoobiya ay maamusho ayaa waxaa la sheegay in ay dileyn 4 Qofood Soomaali ah oo isku ehel ah.

Dadka Soomaalida ah ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay Oromo Hubaysan ay kala dageen Gaari ay saarnaayeen.

Mid Ka Mid Ah Eheladda Dadka La Dilay Oo Lagu Magacaabo Sheekh Aadan Cali Baalle ayaa Warbaahinta U sheegay in Afar Ruux lagala degan gaari ay sarnaayeen oo ku wajahnaa Magalada Nageyle,isla markaana dhammaantood la dilay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay Maleeshiyaadkaas ka soo badbaadeen Nin iyo laba cunug uu watay,balse kuwii kale ay maqan yihin.

Waxa uu hadalkiias raaciyey in dadka la dilay ay dhammaantood ahaayeen Shacab aan waxba galabsan laguna soo wargeliyey in meel banaanka ah lagu dilay.

Xiisada u dhaxeysa Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo Soomaalida ayaa waayadaan aad u sii xoogeysatay,iyada oo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu sheegay in Ciidamo la geeyo goobaha lagu dagaalamayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka  Sheekh Aadan Baalle.