Akhriso:-Sida Ay Beesha Hawiye U Qeybsatay Safaaradaha Dowladda Ee Dalka Dibadiisa……

0
1029

Dowlada Soomaaliya ayaa safaarado kala duwan waxa ay uga furan tahay Wadamo kuyaala Caalamka, waxaana Safaaradahaasi Dowlada u jooga Safiiro intooda badan lagu geeyay qaab beeleed ama hab qeybsiga 4.5.

Safiiradda ayaa qeybintooda markii hore lagu saleyn jiray qaabka wax-qeybsiga 4.5, hase yeeshee muddoooyinkan danbe ayaa taasi isbadal ku yimid, waxaana hada lagu saleeyaa magacaabista nin jecleeysi iyo dano siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa qofkii doono iyo qabiilka uu doono u magacaabo Safiir, waxa ayna bixinta safiiraddu noqotay mid uu u isticmaalo siyaasadiisa doorashadda

Beesha Hawiye ayaa leh Safiiro dhoor ah oo fadhiyo wadamo kala duwan, waxaana Safiiradaasi ay kasoo kala jeedaan qaar kamid ah Beelaha ku abtirsada Hawiye halka beelo kalana aysan wax safiir ah ku laheyn Dowlada Soomaaliya.

Halkan ka Aqriso Sida Qabiilada Hawiye u kala heestaan Safaaradaha Caalamka qaarkood

1 Beesha Habar Gidir 3 safiir

Safaaradda Itoobiya (Sacad)
Safaaradda Sudan (Saleemaan)
Safaarada Mareykanka gaar ahaan Wakiilka
Qaramada Midoobay (Ceyr)

2-Beeesha Abgaal waxay leeyihiin 2 Safiir oo kala ah

Boqortooyada Sacuudiga +Baxreyn
iyo Safaarada Jarmalka

3-Beesha Xawaadle labo Safiir

Turkiga
Ruushka


4-Beesha Jajeele hal-Safiir

Safaarada Qadar

5-Beesha Gaal Jecel hal Safiir

Wadanka Al-Jeeriya

6-Beesha Murusade 0 Wax safiir ah malahan

7-Beesha Dududbe 0 Iyana safiir ma heestaan

8-Beesha Sheekhaal 0 Safiir

9-Beesha Baadi Cadde 0 Safii