DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal beeleed dib ugu soo cusboonaaday deegaano hoostaga Degmada Matabaan ee gobolka hiiraan.

0
605

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya degaanka Baanyaaley in ay dagaalka joojiyaan.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan heer degmo,waxaa ay baaq u jeediyeen Odayaasha labada beelood ee uu dagaalka u dhaxeeyo.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya odayaasha dhankooda ay ku bixidoonaan,colaaadda,waxaa ay dhinaca kale ka codsadeen in ay sidaas sameeyaan.

Yuusf Axmed Hagar   Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha labada Maamul ee Galmudug iyo Hirshabeelle in ay faragelin toos ah ku sameeyaan dagaal beeleedla Matabaan ka soo cusboonaadan

W/D:Bashiir   cabdulahi cismaan

Baladweyne.soomaaliya