Go’aankii Guddiga Amniga Qaranka ee ahaa 48 saac gudahood in lagu furo jidadka xiran oo caawa ku eg

0
683

Iyadoo saacado yar ay ka harsan yihiin go’aankii Guddiga amniga Qaranka ee ahaa in muddo 48 saacadood gudahood lagu furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli xiran waddooyin ka mid ah magaalada.

 

Kulankii guddiga Amniga Qaranka oo uu habeen hore shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu go’aamiyay in waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, balse weli Hay’adaha amniga kama jawaabin Amarka Guddig amniga.

 

Shacabka Muqdisho ayaa aad ula yaaban halka ay iska qaban la’yihiin amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka xiran iyo sababta ay u fuli la’yihiin, iyadoo ay sii dheer tahay in la sii adkeeyay xirnaanshaha waddooyinka.

 

Xaafado badan oo ka mid ah degmada Waaberi ayaa la soo dhigay jidgooyooyin hor leh, iyadoo biro lagu xiray jidcadayaasha laamiga ku soo dhaca, kaasoo aan ka gudbi karin gawaarida yar yar iyo Mootooyinka bajaajta.

Sidoo kale Jidcadayaasha qaar waxaa lagu xir xiray Silsilado dhaadheer oo Quful ay ku xiran yihiin labadeeda dhinac, iyadoo lagula qabanayo Baalayaal goobta suran.

 

Lama oga in amarka Guddiga Amniga Qaranka uu caawa saq dhexe dhaqan geli doono iyo in kale, iyadoo ka xusuusto in aanu dhaqan gelin amar Madaxweyne Farmaajo soo saaray bishii Ramadaan uu ku faray laamaha ammaanka inay shacabka u fududeeyaan Waddooyinka xiran.