20 Sano ka dib Duulimaadyadii Itoobiya iyo Eritrea oo maanta dib u billaabanaya

0
543

Waxaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in ay si toos ah u bilowdaan Duulimaadyadii Itoobiya iyo Eritrea oo Muddo ka badan 20 sano aan shaqeynin.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Duulimaadkii ugu horreeyay muddo 20 sano ah ayay maanta diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ay la socdaan wariyaal badan ay ku tagi doonto garoonka Asmara.

Waxa ay timid arintaan ka dib  dedaaladii dib u heshiisiinta ahaa ee labada dal qaateen iyo booqashooyinkii lama filaanka ahaa ee labada hoggaamiye ku kala tageen labada dal.

Eritrea ayaa ka go’day Itoobiya sanadkii 1993, waxaana shan sano kaddib labadani waddan dhex maray dagaal ay ku naf waayeen 80,000 oo qof