Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa is rasaaseyn xalay fiidkii ka dhacday agagaarka saldhigga Booliska magaalada Cadaado oo ku dhaw xarunta Baarlamaanka Galmudug.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska magaalada Cadaado ayaa waxa ay u sheegeen warbaahinta in Israsaaseynta inay u dhaxeysay laba askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Galmudug.
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen labada askari inay isku maandhaafeen lacago, taasi oo keentay in israsaaseyn ku dhaw mudo 10 daqiiqo ay halkaasi ka dhacdo, ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay israsaaseyntan.
Waxay kaloo tilmaameen laamaha ammaanka isrsaaseyntan inay qalqal gelisay amniga magaalada Cadaado oo markii horeba laga baqdin qabay xaalada ka taagan deegaanada Caad iyo Camaara iyo Shabaab oo gaari shacab ah ku rasaaseeyay deegaan ku dhaw Camaara.
Wararka aan saakay ka heleyno deegaanada Caad iyo Camaara oo shalay ay ku dagaalameen Shacab iyo Shabaab ayaa waxa ay sheegayaan inay degan tahay xaalada deeganadaasi, dagaalka ayaa ka dambeeyayb kadib markii Shabaab dadka ay ku qasbeen inay bixiyaan xoolo nool oo looga qaadayay qaab sakawaad ah, dadkuna ay ka biyo diideen.