Maxkamad Ku Taala Dalka Jarmalka Oo La Soo Taagay Muwaadin Soomaliyeed…

0
635

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa lasoo taagay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay xarakada Al-Shabaab.

Xeerilaaliyaasha Maxkamada Fedaraalka ah ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed uu qorshayay in uu u safro dalka Soomaaliya si uu ugu biiro Al-Shabaab , laakiin baaris ay ku sameeyeen ciidanka ammaanka in ay gacanta kusoo dhigeen ninkaasi Soomaaliga ee doonayay ku biirista Al-Shabaab.

Abshir Axmed ayaa la xiray xili uu kasoo laabtay Garoonka diyaaradaha ee Frankfurt airport ee dalka Jarmalk , islamarkaana uu dib ugu soo laabtay Gurigiisa.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in Abshir Axmed la marsiin doono sharciga la dagaalanka Argagixisada ee dalka Jarmalka.

Abshir Axmed Eheladiisa ayaa gaashaanka u daruuray in wiilkooda uu qorshayay in uu ku biiro Al-Shabaab.

Qeybta la dagaalanka Argagixisada ee dalka Jarmalka ayaa Abshir Axmed ku eedeeysay  in uu doonayay in uu maleego weeraro Argagixiso oo ka dhaca dalka Jarmalka.

Sidoo kale Dacwada oogayaasha Qaarkood ayaa ku doodaya in Abshir Axmed uu ku biiray Al-Shabaab , islamarkaana uu Soomaaliya gaaray , uuna soo qaatay tababaro kala duwan.

Dacwad Oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in Abshir uu xiriir wanaagsan la haa xarakada Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2012.