Dowladda Mareykanka oo ka Howlgalaysa Soomaaliya 23-sano kadib Duulaankii Caan Baxay ee Black Howk Down…

0
633

Dowladda Mareykanka ayaa Xusta maanta oo kale Dhacdadii sanadkii 1993-dii ee loo yaqaanay Black Howk Down ee looga atkaaday  Ciidamadii Mareykanka Magaalada Mogdishu islamarkaana  looga dilay 18-askari oo kamid ah ciidmadamadiisa iyo labo howl-wadeen oo u shaqeyneesay Qaramada Midoobay.

Dagaalka looga adkaaday mareykanka ayaa dhacay 3-4 October- sanadkii 1993-dii, wuxuuna u  dhaxeeyay Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya UNOSOM iyo Xoogag Daacad u ahaa Mohamed abdi Faarah Qeydiid kaa oo ay taageerayeen Shacab Hubeysan, Dagaalkan ayaa waxa loo texgeliyaa in uu ahaa Dagaalkii ugu horeeyay ee magaalada Mogdishu ka dhaca isla markaana looga guuleystay dowlada Mareykanka.

Kadib dagaalkaasi reer galbeedka ayaa go’aansaday in soomaaliya  loo soo diro Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda midowga Africa oo ilaa hada dalka jooga tan iyo  sanadii 2006-dii oo Ciidamo ka socda dalka Uganda ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, Iyaga oo taageero militiri iyo mid dhaqaale ka hela dowlada Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Laakiin Xasuusta dagaalkii Black Howk Down 1993 ayaa ah mid aysan marnaba hilmaami doonin dowlada Mareykanka oo ay xusto.