Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo lagu eedeeyay in aysan dooneynin in laga adkaado Al-shabaab

0
558

Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo C/laahi Nuur Xasan  ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubalandba aysan dooneynin in laga adkaado kooxda Al-shabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab dadka ay ku hayaan dhibaatooyin kala duwan islamarkaana ay u baahan yihiin in laga dulqaado dhibaatadaas ay ku hayaan Al-shabaab dadka Soomaaliyeed.
C/laahi Nuur Xasan ayaa sidoo kale ka warbixiyay Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo kuwaas oo uu sheegay in muddo ka badan 10 sano ay la dagaalamayeen kooxda Al-shabaab ee gobolkaas ku sugan.
Muddadaas ay la dagaamayeen Al-shabaab ciidamada Dowlada mahelin ayuu yiri wax taageero ah oo kaga yimaada Dowlada Soomaaliya iyo kan maamulka Jubaland.
Wuxuu intaas ku daray Saanada ciidan iyo waxa kale ee ay u baahan yihiinba in ayaga ay isdabarayeen muddadaas ay dagaalamayeen.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in marka laga tago Saanada iyo wax la mid ah oo dowlada ay kawaayeen darteed ay Al-shabaab ay ka dileyn Askar badan kuwoo kale ay ka dhaawaceen oo qaar kood ay naafoobay.
Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo C/laahi Nuur Xasan ayaa gaba gabdii sheegay in haddii Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubalandba ay taageeri lahaayeen ciidamadaas mar hore laga adkaan lahaa dagaamayaasha Al-shabaab.