Masuuliyiinta degmada Diinsoor ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay hawlgal ka dhacay deegaanka Kanaana oo hoosyimaada degmada Diinsoor in ay ku dileen Saddex dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay hawlgalka raggan lagu dilay in sidoo kale ay ciidamada ku soo furteen hub ay lahaayeen dagaalamayaasha Shabaab.
“Ciidamnada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Kanaana oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, halkaasi waxaan ku dilnay Saddex Shabaab ah oo watay Mooto, hubkii ay wateena waan ka soo qaadnay, dadka shacabka ah ayay u geysanayeen dhac, xogtooda horey ayaa loo hayay, ciidamada way ku guuleysteen hawlgalkan.” Ayuu yiri Guddoomiye (Shigshigow).
Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) Shababaka la dilay in ay dhibaato iyo dhac u geysanayeen shacabka ku sugan degmada iyo deegaanada hoosyimaada.
Dhinaca kale ehelada raggaasi la dilay ayaa waxa ay sheegeen dadka la dilay in aysan aheyn Shabaab oo waligood aysan ka mid noqon, balse ka mid ahaayeen dadka degaanka.