Dhageyso:-Maxaa Ka Jira In Aan Baladweyne La Gaarsiin Lacagtii Loogu Deeqay Dadkii Ka Barakacay Fatahaadda Wabiga?

0
813

Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay gurmadkii kala duwanaa ee loo sameeyey dadkii ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne.

Xildhibaanka oo ka mid ah guddigii Ra’iisul Wasaare kheyre u Magacaabay fatahaada Wabiyada ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada dadkii ka barakacay Baladweyne.

Waxa uu sheegay in guddigii gurmadka ee la magacaabay ay dadaaleen basle ilaa iyo hadda Xukuumadda Soomaaliya aan dhankeena laga heynin waxqabad muuqdo oo ay sameysay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacagihii dowladda Soomaaliya ay ku deeqday iyo meelaha kale lag helay aysan weli gaarin dadkii loogu talo galay sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow.