Musharaxa Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa Maanta tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlusunna iyo Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb.
Musharaxa C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato Bulshada ku nool Magaalada iyo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Maamula Magaalada Dhuusamareeb.
Waa Musharaxii ugu horeeyay ee u Tartamaya Hogaanka sare ee dalka oo taga Magaalada Dhuusamareeb oo ay Ahlusunna Maamusho.