(War Deg Deg ah)Shaqaalaha laan-khayrta cas oo Muqdisho ka baxay

0
640

Shaqaale Ajaanib oo u shaqeeya heey’adda laan-khayrta Cas ee ICRC ayaa maanta ka baxay Magaladda Muqdishu, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Xarunta Hey’adda ee Muqdisho.
Tiradda Shaqaalaha ee laga saaray Muqdisho waa labo ruux oo aan si rasmi ah loo ogeeyn wadamadda ay u dhashen.
Laakiin, kabixistoodu waxay imaaneeysaa kadib markii Xalay Koox hubeeysan ay Afduubteen Gabar ajanabi ahayd oo shaqaalaha ICRC ee Muqdisho ka mid ahayd.
Laama Amaanka ee Soomaaliya ayaa wada baadi goobka gabadha la Afduubtay iyo kooxihii Afduubka geeystay.
Masuuliyiinta Amaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Ilaaladdii ICRC uu caawiyay Afduubka.