Maamulka Soomaaliland Ayaa Si Kulul U Beenyay Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash Kaas Oo noqday mid siyaabo usku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uusan jirin warka ka soo baxay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash,isla markaana aysan jirin cid saddexaad oo heshiiskii dekada Berbera ka qeyb gashay.
Hadalkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa noqday mid ay si iskumid ah uga wada hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliya oo isku khilaafsan heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Magalada Berbera.
Hoos ka dhagyso codka wasiir sacad cali shire