Jubbaland”Maamulkeenu ma Taageerin Duqeyntii Gobolka Mudug

0
680

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu beeniyay Warar sheegayay in Maamulka Jubbaland uu wax ka Ogaa Weerarkii Arbacadii la soo dhaafay Mareykanku uu ku qaaday Saldhigga Ciidamada Galmudug ee Degaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Warka Jubbaland ay soo saartay ayaa lagu beeniyay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay Taageertay Duqeynta lagu dilay Ciidamada Galmudug si la mid ah Sida Puntland ay u Taageertay Duqeyntaas.

Afhayeenka Jubbaland C/naasir Seerar ayaa Magaalada Kismaayo Warfidiyeenka ugu Akhriyay Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Mareykanka ee Saldhig Ciidan oo ay ka qaadaan Weerarada ay ka Fuliyaan qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya waxaa ay ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo,iyadoo Sababta Jubbaland ay iskaga Fageysay ku lug lahaan Duqeynta Gobolka Mudug ay tahay Saldhiga Ciidamada Mareykanku ku leeyahay Kismaayo iyo Warar la isla dhexmarayay oo ahaa in Jubbaland ay Taageertay Duqeyntaas.