Saacadihii la soo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka socday howlgallo ay wadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,waxana maamulka Gobolka Hiiraan masuuliyiintooda ay sheegeen in ay guulo ka soo hooyeen howlgalkaas.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan deegaanka hees ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada xoogga iyo kuwa taageeraya ay howlgalka siiwadi doonaan ilaa Al-Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay weli ku harsan yihiin.
Waxa uu sheegay gudoomiye Jeyte in howlgalladii ay sameeyeen ay ku guuleysteen in ay Al-Shabaab uga saaraan dhammaan deegaanadii ay go’doomiyeen,isla markaana ay haatan kaliya ku harsan yihiin tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ugu baaqay ciidamada xoogga dalka eek u sugan gobolka Hiiraan kuwa Itoobiya iyo Jabuuti oo howlgalka qeyb ka ah in ay sii laba jibaaraan howlgaladooda.
Sikastaba Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada qorshooyin uu isugu furayo wadooyinka iyo degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxana shalay taliska ciidanka xoogga dalka iyo Maamulak gobolka Hiiraan ay soo bandhigeen hub iyo Gaadiid ay sheegeen in ay kala wareegeen Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.