Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay heshiiskii dhinaca badda ee dowladda Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeyay.
Waxa uu Shariifka shaaca ka qaaday in arintaasi ay tahay mid siyaasad looga danleeyahay islamarkaana uusan Ogeyn wax badd ah oo Soomaaliya ay Kenya siisay ama ay kula heshiisay in la siiyo.
Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday su’aal isweydiinta ka imaan karta xiligaan waxa kusoo beegay siyaasada Badda Soomaaliya ay Dad badan la yaaban yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkii Xilligaa Badda qaabilsanaa wey ka hadleen anigana maba jirto wax aan ka ogaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ayaa ku baaqay in Fursad la siiyo Dadka wada daga Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe islamarkaana aan loo dhisin Maamul Xoog lagu dhisay oo la garan karo waxa ka dhalan kara.