Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Spain

0
1115

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Spain u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Spain ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.