Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo dib loo furay

0
552

Waxaa dib loo furay qeybo ka mid ah  Suuqa weyn ee Bakaaraha , kasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay u xirnaa Khilaaf soo gala dhex galay Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatadda gobolka Banaadir.

Sidda ay xaqiijiyeen Ganacsatadda Suuqa Bakaaraha , waxaa saakay  furan qeyb ka mid ah Suuqa, inkastoo ay wali jiraan goobo Ganacsi oo wali xiran.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay jawaab ka sugayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.

Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.