Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Duleedka Kismaayo

0
572

Faahfaahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen ciidamada Jubbaland iyo Kenya oo  ka dhacay degaanka Buulo-guduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa inoo sheegay in weerarkaan lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ciidamo cadaan ah, kuwaasi oo halkaasi ku socdaalayay.

Wararka laga helayo degaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Kolonyadan lala eegtay Qarax Miino oo lagu aasay wadada, kadibna halkaasi uu dagaal kooban ku dhexmaray Ciidamada weerarka lala eegtay iyo xoogag ka tirsan Shabaab, ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Website-yada Shabaab ayaa lagu baahiyay weerarkan in ay geysteen xoogag ka tirsan Shabaab, kadibna halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray iska hor imaad kooban, Shabaab waxa ay sheegteen in ay khasaare gaarsiiyeen Kolonyada.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Jubbaland uu  shalay Magaalada Kismaayo ka furay shir looga hadlaayo dagaalka Al-Shabaab.

Xoogaga Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada nuucaan oo kale ah u dhiga Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee dhaq dhaqaaqyada Millitari ka wada duleedyada Magaalada Kismaayo.