Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayay Al-Shabaab ku soo bandhigeen tiro Odaayaal ah oo ay mudo u tababarayeen Toogashada.
Goobta Odayaashaan lagu soo bandhigayay oo ah Fagaaraha Macalin Aadan ee degmada Jilib ayaa waxa ay wateen qoriga Ak-47,waxana ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka degmadaas kuwaas oo daawanayay.
Sawirro Shabaab ay soo bandhigeen ayaa muujinaayay Odayaal badan oo tartanka toogashada ka qayb galaayay, kuwaasi oo da’dooda ay kala duwan tahay.
Al Shabaab ayaa horay u tababaray, dhalinyaro, caruur iyo Haween, haddana waxa ay tababar siiyaan Odayaasha si ay uga qayb galaan falalka toogashada ah.
Magaalooyinka Shabaab ay ka maamulaan Gobolada dalka Somaliya ayaa waxaa ku yaallo xeryo kala duwan oo Shabaab dadka ay ku tababaraan.