Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya David Concar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Xarunta KMG ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalad Baydhabo.
Wefdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Wefdiga ayaa haatan Madaxtooyada kula leh kulan Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Maamulkaas.
Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa sidii Dowladda Ingiriiska u laba jibaari laheyd deeqaha ay siiyo Soomaaliya gaar ahaan KGS, kana taageeri doonaan dhanka Amniga, wax soo saarka Beeraha, waraabka iyo dib u dhiska.