Axmed Siilaanyo oo cambaareeyay War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD

0
703

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa cambaareeyay war murtiyeedkii ka soo baxay Shir Madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay inuu meel ka dhac qaawan ku yahay madax banaanida iyo rabitaanka shacabka Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay shirka Madaxda IGAD ee lagu qabtay Muqdisho, waxaana uu tilmaamay inay u arkaan tallaabo geesinimo leh ee horay loo qaaday.

“Dowladda Somaliland waxay soo dhoweyneysaa dadaalka beesha Caalamka ugu jirto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, isla markaana loogu dhisi lahaa dowlad adag oo hanata xilka iyo mas’uuliyada saaran, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano, gacan weyna ka geysano dadaalada nabada iyo dib u heshiisiinta dadka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya”ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

Mr Siilaanyo oo ka jawaabayay qodob ka mid ah War murtiyeedka ka soo baxay shirkaas ee ka hadlayay  midnimada Soomaaliya ayuu si kulul u cambaareeyay.

“Waxaan cambaareyneynaa war murtiyeedka ka soo baxay shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan qodobka ka hadlaya midnimada Soomaaliya, waxaan u aragnaa mid la majara-habaabiyay oo aan ka turjumeyn xaqiiqda dhabta ah ee xaalada Soomaaliya iyo Somaliland ka jirta, waxaan Caalamka u cadeyneynaa in Somaliland tahay dal madax banaan oo aan ka mid aheyn maamul goboleedyada ku midoobay nidaamka Federaalka ee dowladda Soomaaliya ee looga taliyo Muqdisho”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaa uu sheegay in Somaliland aanay qeyb ka aheyn Maamul goboleedyada Federaalka, isagoo xusay in taasi ay maag iyo meel ka dhac qaawan ku tahay Somaliland, isla markaana Maamulka Somaliland ay soo doorteen shacabkooda, kuna yimaadeen doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay Urur Goboleedka IGAD in qadiyada Somaliland ay miiska keenaan, isla markaana lagu daro ajandayaasha shirka soo socda.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Midowga Afrika inay u soo diraan Somaliland Guddi xaqiiq raadin ah, kuwaasoo ka gun-gaara rabitaanka shacabka Somaliland iyo madax bananaidooda.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay shacabka Somaliland inay hal meel uga soo wada jeestaan ilaalinta Qaranimadooda, rabitaankoodana ku muujiyaan cod dheer iyo cudud mideysan.