Thaabid Cabdi Maxamed Gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir ayaa tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Candullaahi farmaajo uu xilka ka qaday waxaa uu maanta tagay Xarunta Dowladda hoose ee Xamar.
Xarunta Maamulka Gobolka markii Thaabid xilka laga qaaday waxaa la wareegay Ciidanka Koofiyo gaduuda Madaxtooyadda Soomaaliya kuwaas oo maalmo badan ku sugnaa inkastoo markii dambe Boolis lagu wareejiyay.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Thaabid Cabdi Maxamed ayaa maanta markii uu Xarunta Maamulka Gobolka tagay waxaa uu ku arkay shaqsiyaad isaga la safnaa markii xilka laga qaadayay maantana la socday gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahne duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow.