Askar ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Colombia

0
672

Inta la xaqiijiyay shan ka mid ah booliiska dalka Colombia ayaa ku dhintay weerar bambaano oo lala beegsaday saldhig booliis.

Ciidamada ayaa shaqadooda isu diyaarinayay xilliga aroortii markaasi oo uu qaraxani ka dhacay meel banaanka ka ah sladhigaasi.

Ciidamada Booliiska dalka Colombia ayaa u balanqaaday 18,000 oo doolar oo abaalmarin ah cid waliba oo keenta macluumaad ku saabsan ciddii masuulka ka ahayd weerarka.

Sidoo kale Qaraxaasi 40 qof oo kale ayaa ku dhawacmay ka dib markii bambaano ah kuwa meelaha fog laga hago ay ku qaraxday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Barranquilla oo ku taalla wuqooyiga dalkaasi.

Gudoomiyaha magaaladaasi ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in qaraxani uu aargoosi u yahay howlgalo ka dhan ah ka ganacsiga darogada oo ay fuliyeen booliiska