Ciidamada Dowladda Iyo Kuwo Cadaan Ah Oo Howlgal Qorsheysan Xalay Ka Fuliyay Duleedka Afgooye

0
1235

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe Ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Afgooye.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo ay wehliyaan kuwa Cadaan ah sida la sheegay ayaa waxa ay howlgalkan ka fuliyeen deegaan lagu Magacaabo Galaawar oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye.

Dad ku sugan tuuladaas oo diiday in Magacooda iyo codkooda in Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay howlgalkaas ku dileen Nin ku sugnaa deegaankaas oo dadka qaarkood ku sheegeen in uu Mu’adin ka ahaa Masjid ku yaalla isla deegaankaas.

Sidoo kale howlgalka ayaa ciidamadu wax ay ku qabteen isla markana ay ku soo wateen ilaa 7 ruux oo ilaa iyo hadda aan la garan waxa ay ahaayeen.