Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0
574

Hadalkaas waxaa sheegay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare kaas oo sheegay in howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay siwadjir ah u fulin doonaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo wada jira.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in qorshuhu yahay in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin degmooyinka uu ka kooban yahay Maamulka Hir-Shabeelle si loo furo wadooyinka ay xireen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan waqtigii isaga la doortay ay ka hor yimaadeen caqabado ay sabab u ahaayeen khilaafkii dhexmaray madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Soomaaliya taas oo ka dhalatay khilaafkii Wadamada Khaliijka.

Hadalkan ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxaa uu ka sheegay kulankii Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay ku ansixiyeen Xubaha Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Waare.