Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmaya Bulshada Kismaayo

0
613

 

Masuuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la maanta kulmaya qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod 2020 iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.

Kulamadan ayaa ujeedadooda tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in lasoo daraaseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan.

Ffulinta arintaasi ayaa waxaa dadaal xoogan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho iyo Gobalada dalka ka wada wada tashiyo arintaasi ku saabsan.