Dhageyso:-Gudoomiye Taabit oo digniin u diray dadka musuq maasuqa sameeya

0
588

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa digniin waxa uu u diray cid kasto oo lagu qabto in ay ku kaceyso musuq maasuq.

Waxa uu sheegay in qofkii iskudayaya hooyo aan waxba heysan in uu ka qaado waxyaabo aan sharci aheyn aan loo dul qaadan doonin isla markaana cid kasta ee aragto uu u soo gudbiyo.

Sidoo kale waxa uu uga digay dadka falalkaas ku kacaya in ay joojiyaan hadii kale Maamulka gobolka Banaadir uu tallaabo ka qaadayo.

Marka laga soo tago hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa jira cabasho ballaaran oo la xiriirta dhanka musuq maasuqa ah oo ka soo yereysay Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.