Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada Sarkaal lagu dilay Gaalkacyo

0
602

Fiidnimadii xalay ayaa waxa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland.

Kooxo bustoolado ku hubeysnaa ayaa Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Qaleey Yuusuf JiilleĀ  waxa ay dileen xili uu sii galayay Hooygiisa kadib markii uu ka yimid Goobtiisa Shaqada isaga oo taliye ka ahaa mid ka mid ah Xerooyinka hubka lagu keydiyo ee Magaalada Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuulka dilka Sarkaalkaas, ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ee lagu dilay Gaalkacyo.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxa deegaanada Maamulka Puntland ku sii kordhay dilalka lagu hayo Saraakiisha Ciidamada iyada oo dhawaan qarax lagu dilay taliyihii howlgelinta Ciidamada Gobolka Bari.

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay hadda sheegayaan in Ciidamada amniga Puntland ay wadaan howlgallo baaritaano ah wallow aysan weli dad u soo qaban dilkaas.