Sawirro:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii ka dhacay Deegaanka Qorilow ee Gobolka Sool

0
693

Xaalada deganaansho ah ayaa Caawa laga dareemayaa deeganka Qoriley ee gobolka Sool halkaas oo Saacadihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.

Caawa ayaa dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in iminka uusan socon wax dagaal ah balse ay weli cabsi dareemayaan maadaama ay ishor-fadhiyaan labadii maleeshiyo beeleed ee wada dagalamay.

Masuuliyinta labada Maamul ee Puntland iyo Soomaaliland ayaa lagu eedeynayaa in ay masuul ka yihiin hurinta dagaalkaas isla markaana ay hub u soo daabulayaan deegaanada lagu dagaalamayo.

Waxgaradka Gobolada Sool iyo Mudug ayaa ku dadaalaya dhankooda in ay dagaalkas joojiyan six al looga gaaro colaadaas.

Sawirro