Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Maaliyadda XFS Dr C/Raxmaan Ducaale Bayleh ayaa maanta horgeyn doona Miisaaniyadda Dalka ee sanadka 2018-ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo ansaxiyo.
Wasiirka oo isu diyaariniya hortegitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno”.
Miisaaniyadda Dalka ee sanadka soo socda ee 2018-ka ayaa hore looga ansixiyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay inay ku shaqeyso Dowladda, waxaana haatana lagu wadaa in laga ansixiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.