Tahriibayaal badda lagu la’yahay

0
671
In un'immagine diffusa dalla Marina Militare il 23 febbraio 2016, un momento delle operazioni di soccorso messe in atto dalla Nave Cigala Fulgosi che, intervenuta in soccorso a tre natanti, ha recuperato un totale di 407 migranti tra cui 4 cadaveri, 23 febbraio 2016. Sono 731 i migranti soccorsi complessivamente oggi dalle navi della Marina Militare durante il pattugliamento dello Stretto di Sicilia nell?ambito dell?Operazione Mare Sicuro. ANSA/ US MARINA MILITARE +++ ANSA PROVIDES ACCESS TO THIS HANDOUT PHOTO TO BE USED SOLELY TO ILLUSTRATE NEWS REPORTING OR COMMENTARY ON THE FACTS OR EVENTS DEPICTED IN THIS IMAGE; NO ARCHIVING; NO LICENSING +++

Wararka laga helaayo badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dooni siday in ka badan 100 ruux muhaajiriin ah  in la’la yahay , islamarkaana ay baadi goobaayaan Saraakiisha Ciidamada badda ee Talyaaniga.

Sarkaal u hadlay Ciidamada badda dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in dadkaasi lagu la’yahay badda.

Wararka qaar ayaa sheegaya muhaajiriinta badankood ay kasoo jeedaan qaarada Afrika.

Doonidaan ayaa la sheegay in ay ka baxday xeebaha dalka Liibiya ,islamarkaana ay kusii jeeday dalka Talyaaniga.

Ciidamada Talyaaniga ayaa shalay helay Meydadka ku dhawaad 30 qof oo haween ah , kuwaa soo kasoo jeedda dalka Nigeria.

Badda Liibiya ayaa noqotay marinka ugu weyn ee muhaajiriinta u socota Yurub, ka dib markii ay Turkiga iyo Midowga Yurub ku heshiiyeen joojinta tahriibayaasha mara badda Aegean.

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyay isbuucii lasoo dhaafay in ka badan kumanaan qof oo tahriibayaal ah.