Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu sheegayaa in Diyaarado dagaal ay Caawa duqeyn ka fuliyeen deegaano ay Gobolkaas ka joogaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Duqeyntaan ayaa waxa Caawa fuliyay Diyaarada Droneska ee Mareykanka aan duuliyaha laheyn, waxaana la sheegay in ay duqeyntas la beegsadeen Saldhiga Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Yaaq-bariweyne.
Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee Ciidamada Mareykanka kala Shaqeeya dhanka Howlgalada Gaarka ah ayaa Idaacada Ciidamada qalabka sida u Xaqiijiyay in Duqeynta ay ka dhacday Bar Koontarool oo Nabadiidka Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaqbari weyne.
Ku dhawaad Lix ka Tirsan Al-shabaab ayay sheegeen Saraakiishu in lagu dilay weerarka Duqeynta Ciidamada Mareykanka Caawa ay ka Fuliyeen Gobolka shabellaha Hoose.
Weerarka Duqeynta Caawa Diyaaraha Mareykanka ay ka Fuliyeen Degaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kusoo aadaya Xili Maanta war Qoraal ah oo kasoo Baxay Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka lagu sheegay Duqeymo todobaadkii u danbeeyey ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya lagu Dilay 40 ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish