Dhageyso:-Guddiga Gurmad Qaran Oo Lagu wareegay Lacag Laga Soo Aruuriyay Soomaalida Kenya Iyo Uganda

0
597

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmad  Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo deeqdaan lacagta ah la wareegay ayaa isna ka hadlay goobta

Hoos Ka Dhageyso Codadka