Injineer la shaqeynayay Sheybaarka Cilmibaarista iyo Horumarinta Difaaca ee Hindiya ayaa lagu eedeeyay inuu xog sirdoon oo la xiriirta nukliyeerka dalkaas siiyay basaas u dhashay Pakistan. Arrintaas ayaa ka dambeysay markii loo dhigay dabin loogu ballan-qaadayo xiriir jaceyl iyo guur
Wargeyska Times oo Hindiya oo xiganaya ilo-wareedyo sarsare oo booliska Hindiya ah ayaa qoray in injineerka oo lagu magacaabo Mallikarjuna Reddy sidoo kale laga raadiyay macluumaadka ku saabsan gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ee qaniga ku ah nukliyeerka iyo gantaallada badda hoosteeda mara
Ninkan oo 29 jir ah ayaa Jimcihii laga soo xiray gurigiisa. Wuxuu qirtay eedeymaha basaasnimo, intii lagu jiray su’aalo-weydiinta. Booliisku wuxuu qorsheynayaa in uu sii xirnaado si ay xog dheeraad ah uga helaan
Wuxuu tan 2018-kii la shaqeynayay Nidaamka Casriga ah ee Badda ee Sheybaarka ee magaalada Hyderabad
Basaaska Bakistaaniga ah waxay isku magacawday Natasha Rao. Waxay Reddy saaxiib kula ahayd Facebook. Basaasiisaddan ayaa xog xasaasi ah oo la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka ee Hindiya ka heshay Reddy iyadoo u ballan-qaaday guur
Sida uu warku sheegayo, shaqada eedaysane Reddy waxay ahayd inuu aado qaybaha wax-soo-saarka difaaca si uu u qiimeeyo halka ay howluhu marayaan iyo waqtiga kama dambaysta ah ee loo qorsheeyay
Taas ayaa la sheegay in ay tahay sababta uu u haystay macluumaadka ku saabsan nooca teknoolajiyada loo isticmaalo samaynta gantaallada. Sarkaal sare oo booliska ah ayaa wargeyska Times of Hindiya u sheegay in Reddy uu keli ku ahaa nolosha, isla markaana uu la qabsaday sheeko macaanida Natasha, sidaasna uu kula wadaagay xog sirdoon oo la xiriirta gantaalada K-Series
Injineerka iyo Natasha waxay xiriir lahaayeen muddo labo sano ah intii u dhaxeysay Janaayo 2020 iyo Diseembar 2021
Natasha waxay lahayd laba cinwaan oo kale oo Facebook ah oo lagu kala magacaabo Simran Chopra iyo Omisha Addi. Waxay had iyo jeer Reddy kula hadli jirtay Facebook Messenger iyo WhatsApp laakiin waligeed kama wicin muuqaal, inkastoo uu isagu marar badan ka codsaday inay sawirro u soo dirto
Booliska ayaa Reddy ku qabtay labo taleefan oo kuwa gacanta ah iyo Laptop, kuwaas oo ay ku jiraan caddeymo badan oo muhiim ah. Waxaa ku jira sawirro iyo macluumaad faahfaahsan oo la xiriira qaabka loo farsameeyay gantaallada. Xogtaas wuxuu Reddy la wadaagay Natasha
Boolisku wuxuu hadda isku dayayaa inuu tixraaco cinwaanka Reddy si loo ogaado in isaga kaliya uu ku lug lahaa arrintan ama inay jiraan dhinacyo kale
Labada dalba waxay haystaan hubka nukliyeerka oo cabbir ahaan la isbarbardhigi karo
Pakistan waxay haysataa ilaa 100 ilaa 120 hubka Nukliyeerka ah, kaas oo lagu keeni karo diyaarado iyo gantaallo dhinaca dhulka ah
Dhanka Hindiya wuxuu ku dhow yahay 90 ilaa 110 hubka ay haysato ee Nukliyeerka ah, marka loo eego qiyaasaha uu soo saaray Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm
Marka la eego sagaalka waddan ee dunida ee haysta hubka Nukliyeerka ah, Hindiya iyo Pakistan waxay ku jiraan qaarka faro-ku-tiriska ah ee kordhiyay kaydkooda madaxyada nukliyeerka, sida uu sheegay ururka saynisyahannada Maraykanka {FAS}
Isha: BBC



