Sawiro:-Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira Horumarinta adeegyada bulshada, Xaqiijinta Amniga Deeganada iyo nidaaminta siyaasada Maamulka Koonfurgalbeed .
Intii uu socday shirka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah
Hindise Sharciyeedka Nidaaminta iyo Rukhsad-siinta Mihnadliyaasha iyo Xarumaha Caafimaadka Koonfur Galbeed, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hindise Sharciyeedka Siyaasadda Maareynta Deegaanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka.
Labadan Hindise Sharciyeed ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah tayaynta adeegyada caafimaadka, ilaalinta deegaanka, iyo xaqiijinta in bulshada Koonfur Galbeed ay helaan adeegyo hufan oo waafaqsan nidaamka dowladnimada iyo sharciga.
Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Wasiirrada iyo Wasaaradaha ku howlan diyaarin sharciyadan muhiimka ah, isaga oo xusay in Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay dhismaha Hay’addo sharciyeysan iyo kobcinta adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada.







