Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo Bajaajta u kala qeybiyay Nidaamka A iyo B

0
12

Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa gaadiidka Bajaajta u kala qeybiyay Nidaamka A iyo B oo ah in midab kasta maalin gaar ah shaqeeyo.

War-saxaafadeed ay soo saareeen Ciidanka Booliiska Maamulka Waqooyi Bari gaar ahaan Taraafikada ayaa lagu ogeysiiyay dhammaan mulkiilayaasha iyo wadayaasha gaadiidka Bajaajta in ay u hoggaansamaan amarkaasi.

Ciidanka ayaa si cad u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wadayaasha aan u hoggaansamin nidaamkaas.

Waxaa kale oo ciidanku si adag uga digayaan gaadiidka Bajaajta ee lagu arko waddooyinka iyaga oo aan wadan taariko (plate number) gaadiidkaas waxaa loo aqoonsanayaa mid sharci-darro ku shaqeynaya, waxaana la marin doonaa tallaabo sharci ah oo ay qaadayaan laamaha amniga” ayaa lagu yiri Bayaan Booliiska.

Ciidanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada joogtada ah ee lagu hubinayo kala dambeynta, amniga, iyo nidaamka taraafikada guud ee caasimadda iyo gobollada kale ee Waqooyi Bari.

Nidaamka cusub ayaa ujeedkiisa yahay in la yareeyo ciriiriga gudaha magaalada Laascaanood iyo deegaannada kale ee Maamulkaasi.