Tahriibayaal ku dhintay Doon u socotay Talyaaniga Oo Qalibantay.

0
11

 Ku dhwaad 40 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xeebaha dalka Tunisia kaddib markii ay gaddoontay dooni ay saarnaayeen oo u soctay dalka Talyaaniga, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda Tunisia.

Dadka doonyahaasi saarnaa ayaa lagu sheegay in intooda badan ay ka soo jeedeen waddamada Saxaraha ka hooseeya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay sii kordhayeen tirada doonyaha ay waxyeelladu soo gaadhayso ee u jihaysan dhinac Talyaaniga.