Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmaya Madaxda Kala duwan ee dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle

0
7

 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan ugu yeeray Hoggaanka Dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Sida ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen kulanka ayaa diiradda lagu saari doona xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan wadashi la xiriira hirgalinta doorashooyin la isku raacsan yahay.

Madaxweyne Laftagareen iyo Cali Guudlaawe ayaa la qorsheynaya in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, halka uu hore ugu sugnaa Axmed Kaariye Qoorqoor.

Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa xilli hore dhammaaday muddo xileedkooda rasmiga ah, iyagoo loogu baaqayo qabashada Doorasho.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in kulanka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo qaar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada looga tashan doono Safar dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh ku tagayo Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu wada hadal kula yeelan doono Axmed Madoobe.

Weli Madaxtooyadda Soomaaliya kama hadlin kulankan la qorsheeyay in ay yeeshaan Madaxweyne Xasan Shiikh iyo hoggaanka dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabeelle.